Baarlamaanka dawlada Ciraaq ayaa meelmariyay sharci lagu aqoonsanayo maleeshiyaadka Shiicada ah Ciidamada dawlada ka barbar dagaalamaya
Sharcigaan ayaa baarlamaanka la horkeenay maalintii shalay oo sabti aheed,waxaana lagu dhawaaqay in uu ansaxyahay kadib markii ay baarlamaanku u codeeyeen maanta oo Axad ah.
Dadka suniga ah ee dalkaas ayaa waxa ay sheegeen in taasi ay cadaynayso kalitalisnimada shiicadu ay ku hayaan dalka Ciraaq,balse Raisulwasaaraha dalkaas Haider al-Abadi ayaa soo dhoweeyay ansixinta sharciga cusub oo ay baarlamaanku ay meelmariyeen.
Barlamaanka dalkaas ayaa ka kooban 327 waxaana 208 ay u codeeyeen sharcigaas ayaga oo ku doodaya in xoogagaasi ay wakiil ka noqodoonaan islamarkaana ay difaaci doona dhamaan dadka ciraaqiyiinta ah meelkastoo ay joogaan.

