Qaramada Midoobay oo Walaac Ka Muujisay Dib u Dhaca Mar Kale Ku Yimaaday Doorashada Soomaliya

0

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Denjire Micheal Keating oo wareysi gaar ah siinayay Laanta afka ingiriiska ee Bbc Barnaamijka Fox on Afrika ayaa rajo xumo ka muujiyay dib u dhaca mar kale ku yimaaday doorashada Madaxweynaha Soomaliya.

“Sida dhabta ah waxaa jira wax badan oo la qorsheeyay oo socda waxay u muuqdaan in ay dhacayaaan hal arin oo ah seddex meelood laba meel in lasoo doorto xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka Soomaliya markaas waxaa lagu dhawaaqi doonaa jadwalka doorashada Soomaliya, Afhayeenada labada aqal iyo sidoo kale afhayeen ku-xigeenada iyo in lasoo saaro jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaliya, nasiib daro hanaanka doorashada waxaa la caadaystay in dib loo dhigo, tii ugu dambaysay ee la go’aamiyay waxa ay aheed in madaxweynaha Soomaliya la doorto 30-ka bishaan  novermber,taas oo hadda seddex maalin ay ka hartay taas oo aan hada dhici karin”, ayuu yiri Micheal Keating.

“Waxaan rajo wanaagsan ka qabaa in ay dhacdo 15 December laakin waxaan u malaynaa in loo baahnaan doono in lasoo dhamastiro tirada  Xildhibaanada aqalka hoose ee loo baahan yahay kahorna waa in ay dhacdaa tartanka Afhayeenada baarlamaanka Soomaliya ”, ayuu mar kale Micheal Keating.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here