Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo uu wehlinaayay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed ayaa maanta booqday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliiska ee Janaral Kaahiye oo xiligaan lagu tababaraayo Ciidamo boolis ah.
Ugu horeyntii Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xildhibaan c/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada booliska Soomaliyeed ee xiradaas ku jira.
Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa intaa ka dib deeq xoolo ah oo labo Neef Geel ah oo loogu talagalay ciidamada ku jira dugsiga Jeneraal Kaahiye booliska Soomaliyeed waxa uu ku wareejiyay Taliyaha ciidamada Boliska Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Wasiir Odawaa ayaa ku amaanay Ciidamada Booliska Soomaliyeed sida ay mar walba ugu diyaarka ugu yihiin ka qeyb qaadashada amniga dalka isagoo tilmaamay in madaxda dowladda soomaliya aysan mooganeen daruufaha soo wajaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed.







