Waxaa maanta magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose lagu soo gabgabeynayaa doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya.
Deeganada jubaland ayaa ilaa xligaan waxaa laga soo doortay 42 xildhibaan, iyadoona lagu wado maanta in kursiga ugu dnabeeya lagu doorto magaalada.
Doorashadi shaley ka dhacday magaalada waxaa ku soo baxay labo xildhibaan kuwaa oo kala C/laahi Maxamed Aadan Shaacir oo helay codad gaaray 44 cod iyo Sagal Cabdirisaaq Isaaq oo heshay 27 cod.
Maamulka jubal;and ayaa noqonayaa hadii maanta lagu guuleysto doorashada halka kursi harsan maamulki ugu horeeyay ee soo dhameystiro doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya.
Deeganada ayaa laga doonayaa kaliyah kuraas gaareyso 43 kursi waxana kuraasta la soo buuxiyay ay gaarayaan 42 kursi.

