Waxaa faafaahino dheeraad ay ka soo baxayaan qarax maanta ka dhacay isgoyska maano-boolyo degmada shibis ee gobolka banaadir.
Gudoomiyaha degmada shibis Axmed Muumin Maxamed oo la hadlay idaacadda simba ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu sheegay in gaari nuuca kaaribta uu ku qarxay meel aan ka fogey isgoyska maano-boolyo, islamarkana hal ruux uu qaraxa dhacay ku dhintay.
Qaraxa oo la sheegay in gaariga uu ku xirnaa waxaa ku dhintay sida wararka ay tilmaamayaa sarkaal dhawaan lagu soo tawabaray xero Agoonta oo ay maamulaan imaaraadka.
Gudoomiyaha degamda ayaa sheegay in sarkaalki waday gaariga uu ku dhintay sidoo kalena qaraxa ay ka bad baadeen labo oo kale oo gaariga qarxay saarnaa.




