War Deg Deg:- Gudoomiyihii Deegaanka Goof-gaduud Shabeelow oo La Gowracay

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Goof-gaduud  Shabeelow ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in goordhaweyd  Al-shabaab ay gowraceen Ala Ha U Naxariistee Xuseen Wardheere Xasan oo ahaa Gudoomiyihii deegaankaas.

Ilo lagu kalsoonan karo oo ku sugan Gobolka baay ayaa idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay guda u galeen deegaankaas, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Xuseen Wardheere Xasan oo ahaa Gudoomiyihii deegaankaas saacado kadib-na ay gowraceen.

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ay kaga hadlaan Gowraca Gudoomiyihii deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka Baay Xuseen Wardheere Xasan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here