Wararka ka imaanaya Deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaliya,kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab in uu ka bilowday deegaankas
Dagaalka ayaa waxa uu bilowday saqdii dhexe ee xalay waxaase la ogeyn cida haatan si rasmi ah gacanta ugu haysa deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka Baay.
Dhanka kale isbitaalka Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa la gaarsiiyay dhaawacyada askar ka tirsan Ciidamada koonfur Galbeed Soomaliya oo kusoo dhaawacmay dagaalka.
Maamulka isbitalka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dhaawacyadii la gaarsiiyay isbitaalka in gabi ahaanba lagu guuleystay in la dabiibo islamarkaana badankooda dib loogu celiyay halkii laga keenay.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Mamulka Koonfur Galbeed Somaliya iyo Xarakada Al-shabaab ay kaga hadlayaan dagaalka ka dhacay deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka Baay oo dagaalo ay kusoo lab-laabteen.

