Ala Ha u Naxariistee waxaa xalay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ku geeriyooday Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo Mid kamid ahaa xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanayay deegaanada Puntland.
Xildhibaanka ayaa geeridiisu ahayd mid kedis ah, fiidnimadii hore ee xalay ayuu dadka kula caweeyey Hotelka uu Magaalada Garoowe ka deganaa, waxaa la maqley isaga oo ka sheeganaya Wadnaha oo banaanka uga soo baxay qolkii uu deganaa wax yar kadib nafta ayaaba ka baxday sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah mas’uuliyiinta Maamulka Puntland.
Ala Ha u Naxariistee Daahir Xaaji Geelle ayaa dhawaan kamid ah noqday xubnaha aqalka Hoose ee baarlamanka Federaalka Soomaliya kadib doorashada ka dhacday magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland, tan iyo sanadkii 2009-kii ayuu kamid ahaa Baarlarmaanka Soomaliya.
Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle ayaa ka soo jeeda Gobolka Sanaag, waxaana uu baarlamaanka hadda xilku ka dhamaadey u qaabilsanaa arrimaha Baarlamaanada wadamada Carabta, waxaana uu geeriyoodey isaga oo aan weli loo dhaarin xilka Xildhibaanimo kadib maalmo yar ay ka soo wareegtey doorashadiisi.

