Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada dalka ka jira iyo Guddiyada Doorashooyinka Dalka ku amray inay ilaaliyaan Habsami u Socdka Doorashooyinka Qaranka ee Hanaanka Dadban.
Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Dalku uu leeyahay Qawaaniin iyo Nidaam la isku raacay in Doorashooyinka lagu hago sidaas darteed aysan Jirin Cid lagu taageerayo inay Garab marto Hanaanka Doorashooyinka Dalka asagoo ugu baaqay in Tilaabo deg deg ah laga qaado Cid walba oo isku dayda inay Carqaladayso Arimaha Doorashada.
Madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku kulsoonaadaan Geedi Socodka Doorashooyinka Dalka islamarkaana ay meesha ka saaraan Walaaca aan ku Dhisnayn Xaqiiqada ee ku aadan in musuq-maasuq uu ku jiro arimaha Doorashooyinka iyo inay Doorashooyinku Waqtigii loo go’aamiyey ay dib ug dhacaan.

