Dil iyo Weerar Qorshaysan oo Xalay Ka Dhacay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Banaadir

0

War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Ciidamadooda ay dileen sarkal ka tirsanaa Ciidanada sirdoonka dowladda Soomaliya kadib weerar qorshaysan oo ka dhacay Xaafadda Siinaay ee degmada Warta-nabada.

Al-shabaab waxa ay sheegeen in rag ayaga ka tirsan ay toogteen Col. Daahir Cumar oo (Tubta-weyne) ku magac dheeraa wuxuuna kamid ahaa saraakiisha sarsare ee sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaliya.

Sidoo kale Al-shabaab waxa ay sheegeen in dagaalyahano ayaga ka tirsn ay weerar ku qaadeen saldhig melleteri oo Ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaliya  ay ku leeyihiin dhismaha Warshadda Barafuunka ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amaanka dowladda Soomaliya ay kaga hadlaan dilka iyo weerarka qorshaysan ee xalay ka dhacay degmooyinka Heliwaa ee Warta-nabada ee Gobolka Banaadir.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here