Ciidamo Ka Tirsan Kumaandooska Soomaliya oo La Geenayo Magaalada Gaalkacyo

0

Cutubyo ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ayaa maanta lagu wadaa in la geeyo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, Ciidamadaan ayaa ka amba bixi doona Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada ka tirsan kuwa Danab Xoogga dalka Soomaliyeed ay ilaalin doonaan kor joogto ka socota Qaramada Midoobay oo shalay la geeyay Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug si ay ugu war hayaan xabad joojinta ay wada gaareen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka Kumaandooska ee Magaalada Gaalkacyo la geynayo ay sidoo kale la shaqeyn doonaan guddiyada labada Maamul Puntland iyo Galmudug u xilsaareen ka shaqeynta Nabdda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dhanka kale Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Maanta si isweydaar ah ugu kala shaqeyn doona Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta ka shaqo bilaabaya Koonfurta magaalada  Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug, halka kan Galmudugna uu ku shaqeyn doono Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here