Kullan lagu xoojinayo Hirgalinta Heshiiskii iyo Xabjoojintii Galkacayo oo Lagu Qabtay Garoonka Gaalkacyo+Sawirro

0

Raisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid,Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, Saraakiisha Ciidamadda labada dhinac, Guddiga Nabadaynta ee gobolka iyo Saraakiil ka socotay Qaramada midoobay ayaa maanta Garoonka Diyaadaraha Magaalada Gaalkacyo kaga qeyb galay Kullan lagu xoojinayo hirgalinta heshiiskii iyo xabjoojintii Galkacayo.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la kulmay guddiga nabadaynta galkacayo, ayaa soo jeediyay in la isku dhafo ama si isweydaar ah la isugu daro guddiga labada dhinac si loo abuuro kalsooni ay labada guddi ku wada shaqayn karaan islamarkaana ay guul uga gaaraan howlaha ka shaqaynta nabada.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddiga uga mahad celiyey dedaalka iyo tallaabada muhiimka ah ee ay ka gaareen kala qaadista ciidamada iyo xabad joojinta ay ka hirgeliyiin magaalada Gaalkacayo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isaguna dhankiisa ku dhiiri geliyey guddiga inay ku dedaalaan dardar gelinta ka shaqaynta nabadda iyo xasilinta magaalada Gaalkacayo, islamar ahaantaana tilmaamay in Gaalkacayo ay u baahantahay nabad iyo horumar.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo kulanka erayo kooban ka sheegay ayaa tibaaxay in guddigu ay tallaabo wax ku ool ah ka gaareen xabad joojinta iyo kala qaadista ciidamada taasina ay tahay mid rajo wanaagsan ka muujisay talaabooyinka waddatashi ee ay  guddigu qorshaysteen.

img_0196 img_0198 img_0210 img_0214 img_0230

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here