Dowladda Ingiriiska oo Safiir Cusub Usoo Magacowday Wadanka Soomaliya+Magaciisa

0

Dowladda Ingiriiska ayaa safiir Cusub usoo Magacowday  wadanka Soomalia kaasi oo badali doona safiirkii hore ee dowladda UK u fadhiday magaalada Muqdisho Harriet Mathews.

Qoraal kasoo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in safiirka hore ee dowladda Ingiriiska u fadhiday Soomaaliya  Harriet Mathews loo magacaabay xil kale oo cusub islamarkaana safiirkaan cusub uu ka shaqeyn doono xiriirka u dhaxeeya dalalka  Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Ingiriiska.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo David Concar ayaa la sheegay in uu kasoo shaqeeyay dalal badan oo yala dunida islamarkaana uu haatan wakiil dowladda  ingiriiska ugu noqon doono dalka Soomalia.

Safiirka cusub waxaa lagu magacaabaa David Concar , waxaana uu xilka la wareegi doonaa  bisha Janaayo sanadka soo socda ee 2017, 16 March 2015 ayaa Harriet loo magacaabay iney noqoto safiirka dowlada UK ee Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here