Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa goor dhow ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose ee xubinimada Baarlamaanka federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Maamulka Galmudug.
Kadib doorasho ka dhacday Magaalada cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug ayuu C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ku helay codod dhan 46 cod oo ahaa ergadii wax dooraneysay, halka Musharaxii kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Maxamed uu helay 5 cod.
Shalay Magaalada waxaa Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug lagu doortay xubnaha kala ah 1-Mustaf Shiikh Cali dhuxulow 2-Xuseen Qaasim Yuusf3-Xirsi Aadan Rooble 4-Maxamed C/lle Faarax(geeseey)5-Xasan Macalin Maxamuud 6-Bootaan Ciise Caalin7-Saadaq Cabdikariin Xaaji Ibraahin.

