Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa maanta Guddi ka kooban Wasiiro, Xildhibaano u xilsaaray israsaaseentii shalay ka dhacay xarunta doorashada aqalka Hoose ee Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulkaas.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mudane Maxamed Maxamuud Guure oo ah wasiirka Howlaha Guud ee maamulka Galmudug oo kamid ahaa musharixiinta uu la tagay Ciidamo maleeshiyo ah goobta doorashada islamarkaana ay rasaas isdhaafsadeen Ciidamada amaanka ee ku sugnaa goobta doorashada ay ka dhacaysay.


