Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa Amisom in ay la wareegeen Deegaanka Miir-tuugo oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.
Degaanka Miir-tuugo oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa mudooyinkii dambe ku sugnaa Ciidamada Al-shabaab balse Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Amisom ayaa waxaa u suurta gashay in ay gudaha u galaan deegaanka kadib markii la sheegay in Ciidamada Al-shabaab ay deegaanka ka baxeyn habeenkii xalay ahaa.
Dhanka kale Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay In Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay deegaanka la wareegeen islamarkaana ay ka baxeyn Ciidamadii Al-shabaab oo mudooyinkii ugu dambeeyay deegaanka ku sugnaa.
Dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay in Ciidamada dowladda Somaliya iyo kuwa Amisom ay Al-shabaab kala wareegaan deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaliya balse ay dib kaga baxaan saacado kadib.

