Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug wararka ka imaanaya ayaa ku waramaya In rasaas xoogan maanta laga maqlay xarunta ay ka socotay doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka imaanaya deeganada Galmudug.
Musharax magaciisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Guure oo ah wasiirka Howlaha Guud ee maamulka Galmudug oo ah kamid ah xubnaha u tartamayay Aqalka Hoose ayaa la sheegayaa in uu la tegey goobta doorashada ciidan badan kadibna ay iska hor yimaadeen ciidamadii ilaalada ka hayey goobta doorashadu ka dhacaysey.
Musharaxa ciidamada la tegey goobta doorashada ay ka dhacaysa ayaa la sheegayaa in ergooyinkii uu ku tashanaayey meesha ay ka saareen Mustaf Dhuxulow iyo Gen Gaafow Taliyaha Hay’adda Nabada SUgida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya ee Nisa sida uu isagu ku doodey, kuwaas oo u ol-oleynaya wiil uu dhalay Gen. Gaafow iyo Mustaf Dhuxulow.
Xaaladda Degmada Cadaado ee Caasimada KMG ee maamulka Galmudug ayaa haatan degan waxaana lagu guuleystay in la kala eryo ciidamadii maleeshiyaadka ahaa ee uu watay Maxamed Maxamuud Guure oo ah wasiirka Howlaha Guud ee maamulka Galmudug.

