Mareykanka oo Laga Soo Tarxiili Doono Muhaajiriin Tiradoodu U dhexeyso 2 ilaa 3 milyan

0

Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka Mr Donald Trump oo wareysi siiyay telefishinka Maraykanka laga leeyahay ee CBS ayaa sheegay in dowladihiisa cusub ay diirada saari doonto sidii dalka Mareykanka looga soo  tarxiili lahaa muhaajiriin tiradoodu u dhexeyso 2 ilaa 3 milyan, oo  si sharci darro ku jooga Maraykanka.

Madxweyne  Donald Trump  ayaa sheegay in si gaar ah uu u beegsan doono kuwa dembiyada galay ee dalka Mareykanka jooga, kooxaha burcadka ah iyo kuwa daroogada ka ganacsada ee ka mid ah muhaajiriintaasi.

Donald Trump   ma uusan kusoo darin hadalkiisa in dadka dalka Mareykanka laga soo tarxiilayo in ay ku jiraan dadka Soomalida ah oo xiligaan qaba tuhunka ugu badan kadib markii ay sheegeen in Mr  Donald Trump   uu yahay shaqsi beegsanaya muslimiinta  gaar ahaan Soomalida.

Dhanka kale Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka Mr Trump Waxa uu intaa ku daray in masiirka sideeda milyan ee dheeraadka ah ee sharci darrada ku jooga Maraykanka, go’aan laga gaari doono marka la adkeeyo ammaanka xuduudaha dalkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here