Ciidamada Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa Dowladda Soomaliya ayaa dib ula wareegay degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay gacanta ku hayeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Xildhibaan Ibraahin Xasan Buulle oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaliya oo hogaaminaya Ciidamada huwanta ah ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in Ciidamada ay haatan gudaha u galeen degmada tiyeglow ee Gobolka Bakool islamarkaana dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay isaga baxeyn degmada waqti hore.
Waxa uu hadalkiisa ku daray Ibraahin Xasan Buulle oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaliya in Al-shabaab ay dhibaatooyin fara badan ay u geysteen shacabka degmada Tiyegolow maalmihii koobnaa ay gacanta ku hayeen degmada isagoo ugu baaqay shacabkii ka barakacay degmada in ay dib ugu soo laabtaan.

