Cadde Muuse:-“Xalinta Colaada Magaalada Gaalkacyo in Loo aado Kismaayo Waa Nasiib Daro”,

0

Madaxweynihii Hore ee Maamulka puntland Jeneraal Cadde Muuse Xirsi,  ayaa nasiiib daro ku tilmaamay Go’aanka ay wada gaareen Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ku aadan in colaada ka dhaxeysa Labada Maamul in lagu xaliyo Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land.

Jen. Cadde Muuse Xirso Madaxweynihii Hore ee Maamulka puntland  oo la hadlayay warbaahinta Magaalada Garoowe ayaa  is weydiiyay sida ay ku dhaqan geli karto heshiiska laga gaaray colaada  Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug, oo marar badan inta la heshiiyay ay subaxdii bilaabatay xabada.

Dhanka kale Madaxweynihii Hore ee Maamulka puntland Jeneraal Cadde Muuse Xirsi  ayaa nasiib daro ku tilmaamay in xalinta Colaada Magaalada Gaalkacyo in loo aado Magaalada Kismaayo xili waayadii hore loosoo aadi jirey Magaalada Muqdisho iyo tuulooyinka u dhow Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

20-bishaan Novermer Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku yeelan doona Magaalada Kismaayo shir dib u heshiisiin ay garwadeen ka yihiin ay garwadeen Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Michael Keating iyo Ra’iisulwasaaraha Xukumada Soomaaliya Cumar C/rashiid  Cali Sharmarke

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here