Bambo Gacmeed Lagu Weeraray Saldhiga Booliska Degmada Buur-haka ee Gobolka Baay+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa ku waramaya in Kooxo hubeysan ay saakay bambo Gacmeed ku weerareen Saldhiga booliska Degmada Buur-haka ee Gobolkaas.

Qaraxa bam ayaa la sheegay in uu geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar ka Tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo ku sugnaa Saldhiga Degmada Buur-haka ee Gobolka Baay.

Maxamed Ibraahim Cabdule oo ah taliye ku-xigeenka Ciidamada  Booliska gaarka  ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ee degmada Buur-haka   oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada  Muqdisho  ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay 1-askari  oo xiligaas ku sugnaa Gudaha Saldhiga.

Sidoo kale taliye ku-xigeenka Ciidamada  Booliska gaarka Koonfur Galbeed Soomaliya ee degmada Buur-haka ayaa tilmaamay In bamb-ka kadib ay ciidamada sameeyeen howlgal qorshaysan oo ay kusoo qabteen dad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen weerarka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here