Maxkamadda India oo Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku Xiran Dalkaasi U ogalaatay in Racfaan ay Qaataan

0

Maxkamad gaar ah oo ku taala magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa u ogalaatay inay racfaan  qaadan karaan kudhowad 120 dhalinyaro Somaliyeed oo horay loogu eedeyay falal burcad madeednimo islamarkaana lagu riday xukun dil ah.

Maxkamadda ayaa la sheegay inay hadda go’aansatay inay u ogolaato in dhalinyaradaan somaliyeed oo ku eedeysan burcad badeednimo oo gaaraya illaa iyo117 kuwaas oo horay xukun dil ah ay ugu riday maxkamad ku taala dalkaas ay hadda racfaan ka qaadankaraan xukunkaas.

Dawladda Hindiya ayaa sheegtay in maxkamadaynta dhalinyaradaan ay u cuskatay qaybta 313 xeerka dambiyada dalkaas oo sheegaya in xukun dil ah lagu rido cidii lagu helo dambiyadaan oo kale.

Sanadkii 2011, ayaa ciidamda illaalada xeebaha dalka Hindiya waxa ay gacanta ku dhigeen 120 dhalinyaro Somaali ah kuwaas oo loosoo gudbiyay xabsi ciidamada baddu ay ku leeyihiin magaalada Mumbai, kaas oo lagu magacaabo Taloja halkaas oo seddex ka mid ah dhalinyaradaas ay ku dhinteen kadib markii ay ku xanuun sanaayeen in muddo ah.

Dhalinyaradaan  Soomaliyeed ayaa racfaan kooda waxa ay sii marsiiyeen safaarada dawlada Somalia ay ku leedahay dalka Hindiya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here