Waxaa xaley si rasmi ah magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ka dhaqan galay bandow uu maamulka gobolka hiiraan ku soo rogay magaalada xiliyada habeenki ah.
Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa amisom gaar ahan kuwa jabuuti iyo ciidamada dowlada soomaaliya ayaa lagu arkayay xaley xaafadaha kala duwan ee magaalada iyadoona dadka ay ciidamada ku amrayeen in ay xiraan goobahooda ganacsiga islamarkana ay tagaan guryahooda.
Maamulka gobolka hiiraan ayaa sheegay in bandowga magaalada la saaray xiliga habeenki loogu tala galay in lagu xaqiijiyo amaanka xili mudooyinki la soo dhaafay ay falal amaan daro ka dhacayeen magaalada baladweyne.
Bandowga ayaa bilaabanaya 7:00 fiidnimo iyadoona uu ku egyahay 6:00 subaxnimo sida maamulka ay gobolka hiiraan iyo saraakiisha ciidamada amaanka ay shaaciyeen.
Waxaa habeen ka hor magaalada baladweyne lagu dilay labo askari oo ka tirsana ciidamada dowlada soomaaliya.

