Cusmaan Axmed Macow oo noqday Xildhibaankii Ugu horeeyay ee Aqalka sare u Matalaya Maamulka Hirshabeelle

0

Waxaa goor dhow la soo gabagabeeyay mgaalada jowhar doorashada xilibaani ugu horeeyay ee maamulka hirshabeelle u matalaya xubnaha aqalka sare ee dalka.

Cusmaan  Axmed  Macow ayaa noqday xildhibaanki ugu horeeyay ee maanta lagu doortay magaalada jowhar isagoona noqday xilibaan u matelaya hirshabeelle xubnaha aqalka sare ee dalka uu ku leyahay maamulkaasi.

Cusmaan  Axmed  Macow ayaa ka guuleystay musharax la tartameyay oo lagu magcaabo Cabdinuur Ibraahim Farey, cusmaan ayaa helay codod gaaraya 75 iyadoona Cabdinuur uu helay codod dhan 24-cod.

Natiijada doorashada waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle Sheekh cismaan barre.

Cusmaan Axmed macow ayaa ah siyaasi ka soo jeedo gobolka hiiraa, Weli waxaa magaalada jowhar ka socoto doorashada xubnaha aqalka sare ee dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here