Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) wuxuu shaacinayaa inay doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee 2016-ka maanta oo taariikhdu tahay 8-da Nofeember ka billaaban doonto wajigeeda koowaad magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed.
Wajiga koowaad ee doorashada waxaa loo codeyn doonaa 23 kursi oo 4 ka mid ahi haween kaliya u tartamami doonaan.
Guddigu waxa uu ku ammaanayaa Guddiga Dowlad Goboleedka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) iyo maamulka Koofur Galbeed sida uu u soo buuxiyey matalaadda haweenka ee Golaha Shacabka, iyadoo dumar keli ah u tartami doonaan tirada kuraasta sida waafaqsan shuruudihii lagu heshiiyey.
GFHDD wuxuu u hambalyeynayaa Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed, isagoo isla markaana ku boorinaya Guddiyada Dowlad Gobaleedyada kale in ay diyaar garowgooda soo dhammeystiraan si ay doorashadu uga hirgasho deegaan doorashaddooda.
Dowlad Gobaleedyada Jubbaland iyo Galmudug ayaa laga sugayaa in ay soo buuxiyaan dhammaan shuruudihii looga baahnaa si ay u billaabaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

