Denjire Micheal Keating oo Dowladda Soomaliya ku Amaanay Sida ay u Xaqiijisay Qoondada Haweenka

0

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaalbisan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa dowladda Federaalka Soomaliya ku amaanay sida ay u xaqiijisay Qoondada Haweenka ee loogu tala galay in ay ku yeeshaan Aqalka Sare, marka laga reebo xubnaha wali dhiman ee Somaliland iyo maamulka Hirshabeelle ,iyaguna  ay balan qaadeen in ay xaqiijinayaan Qoondada ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaalbisan arrimaha dalka Soomaaliya Danjire Micheal Keating  ayaa ugu baaqay maamulada kale ee dalka ka jira in ay xaqiijiyaan qoondada ay haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xildhibaanada golaha shacabka Soomaliya.

Inkastoo uu sheegay  Danjire Micheal Keating in ay dhibaatooyinka kala duwan ay kala kulmayaan odayaasha beelaha oo aan qaarkood dooneynin in kursiga beeshooda ay ku fadhiisato qof haween ah , hadana dadaal dheer ka dib ayay suurgashay in Qaar ka mid ah maamulada goboleedyada , dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay hirgeliyaan arintaasi.

Ugu dambeyntii waxaa maamulada Galmudug , Jubbaland, Koonfur Galbeed,Hirshabeelle oo aysan wali ka dhacin doorashada Aqalka Hoose ugu baaqay  in ay ku dadaalaan sidii loo xaqiijin lahaa ka qeyb galka haweenka ee Aqalka Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here