Qunsuliyadda Guud ee Magaalada Caden ee dalka yemen ayaa sheegtay in lagu guuleystay dekedda Magaaladaas laga soo daadgureeyo qaxooti kor u dhaafaya 200, kuwaas oo isugu jira qoysas wata caruur, dad waayeel ah, dhalliyaro gabdho iyo wiilal leh, kadib markii ay go’aansadee in iyagoo raali ah ay dib ugu noqdaan dalkooda hooyo.
Qunsuliyada oo kaashanaysa hay’adda Qaxootiga Qaranka Soomaaliyeed iyo hayadda IOM EE Qaramada Midoobay ayaa ku guulaysatay soo qaadista qaxootigan oo mudo dheer ku xanibnaa magaalada Caden ee dalka Yemen .
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee laga Soo Daadgureeyay Magaalada Caden ee dalka Yemen oo badankoodu ka soo jeedo gobollada Waqooyi ee soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha soo socda doonida ay la socdaan ay ku xirato dekeda Magaalada Berbera ee deeganada Maamulka Somali-land.
Ugu horeyntiii Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada cadan ee dalka yemen mudane Axmed Cabdi Xassan Axmed Suudaani ayaa si gaar ah uga mahad celiyey dhinacyadii ka qayb qaatay suurto galinta barnaamijka lagu celinayo qaxootiga soomaaliyeed ee ku go’doomay dagaalada dalka yemen.

