Musharaxa Donald Trump ayaa asagoo hadlayay malintii shalay oo Axad ahayd waxa uu dadka gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka uu uga digay qatarta dadka somalida ah ee halkaas ku nool,waxaa uu tilmaamay in magaladaas ay tahay meel go’doon ah maadama ay ku noolyihiin Bulsho Somaliyeed oo aad u badan.
“Waxaad aragtaan in dhibaatada kowaad ay sababeen dadka qaxootiga ah,sidoo kalana Somalida qaxooti ah oo aad u badan ayaa imaanaya gobolkiina adinkana oo aan garanayn,islamarkaana aan taageersanay ama aan raali ka ahayn in ay idiin yimaadaan”, waxa uu yiri Donald Trump.
Trump ayaa hadalkaan ka jeediyay isu soobax uu ka qayb galayay oo kadhacay gobolka Minnesota iyadoo wax laba maalin ay ka dhimanyihiin xiliga ay bilaabanayso doorashada madaxtinimada dalkaas.
Sidoo kale waxa uu sheegay in qaarkood ay ku biirayaan Kooxda Daacish islamarkaana ay fidinayaan aragti xagjirnimo ah dalkeena iyo dunida oo dhan.
“Qofkasta waa in uu ogaadaa musiibada ka dhacaysa gobolkaan xitaa majirto xoriyad looga hadlo arrintaan”.ayuu mar kale yiri Musharax Donald Trump.

