Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Magaalada Gaaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

0

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Gaaalkacyo ee  xarunta Gobolka mudug ayaa ku waramaya in Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug  ay wali dagaalamayaan Gudaha Magaaladaas.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hub noocyo kala duwan leh waxaana jiro madaafiic labada dhinac ay isweedaarsadeen oo ku dhacday Xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug inkastoo dadkii ku noolaa Magaaladaas ay ka baraceen.

Gudoomiyaha  Gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Khaliif(Abgaalow) oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa maamulka Galmudug ku eedeeyay in uu jabiyay heshiiskii lagu gaaray dalka Imaaraadka Carabta islamarkaana ay dagaalka ayaga soo qaadeen waa siduu hadalka u dhigee.

Inta la xaqiijiyay 6-ruux ayaa ku dhimatay 30-kalana way ku dhaawacmeen dagaalkii saakay ka dhacay Magaaladaas waxaa u badan dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada  ee Puntland iyo Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here