Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland waxaa maanta ka billaabatay doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Puntland u matalaya Barlamaanka cusub, iyadoo wejiga 1-aad ee doorashadaasi loo qorsheeyey in maanta la doorto 12-Xildhibaan.
Cali Yuusuf Cali Xoosh- Majeerteen Ciise Maxamuud 49 Cod.
Axmed Ismaaciil Maxamed -Warsegeli- Baha Majeerteen 30 cod.
Muuse Axmed Ismaaciil- warsengeli/Ugeyslabe 44 cod.
Cumar Ismaaciil Waaberi -Dishiise/Ugaar 28 Cod.
Maxamuud Xayir Ibraahim- Majeerteen/Cali Saleebaan.
Cabdirashiid Maxamuud Xasan- Yibraha 27 Cod.
Cabdinaasir Siciid Muuse Majeerteen/Siwaaqroon 26 Cod.
Daahir Xaaji Geelle Faarax- Warsengeli/Dubays. 46 cod
Dahar cali Faarax- Warsengeli/ Dubeys 42 Cod.
Cilmi Cumar Cilmi Madhibaan 27 Cod.
Guddiga doorashadu Dadban ee heer Puntland waxay dib u dhigeen codbixinta labo xubnood, kuwasoo doorashadoodu ay dhici doonto maalinta Beri. Waxayna guddigu sheegeen in saddex Maalmood gudahood lagu diyaarin doona qaybta labaad ergooyinka wax dooranaya iyo musharixiinta tartamaya.
10ka xubnood ee la doortay ayaa noqonaysa qaybtii u horraysay ee doorashadda 37 xildhibaan oo Puntland u matalaya Aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay tahay markii labaad ee doorasho noocan oo kale ay ka dhacdo Puntland, markii u dambayay waxay ahayd markii ay ergooyin ka badan 600 ergay ay doorteen alle ha u naxariistee C/laahi Yuusuf Axmed oo madaxweyne ka noqday Puntland 1998dii

