Madaxweynaha Puntland oo ka Hadlay Heshiiska Laga Gaaray Colaada Gaalkacyo iyo Daacish-ta ku Sugan Qandala

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ka hadlay heshiis ay wada gaareen maamulkiisa iyo kan Galmudug, Daacish-ta wali ku sugan degmada Qandala, iyo  Lacago la sheegay inay Puntland ka qaadatay dowlada Federaalka Soomaliya.

Madaxweyne C/wali Maxamed Gaas ayaa sheegay in Madaxda Maamul Goboleedada Soomaalida ay isugu yimaadeen shir, ayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan Mustaqbalka Soomaaliya iyo doorashooyinka.

“Waxaa Imaaraatka Carabta shir isugu yimid Madaxda dawlad Goboleedyada Soomaaliya oo looga arrinsanayay waxyaabo badan oo khuseeya Mustaqbalka iyo Geedi socodka Nabada Soomaaliyeed’’ ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Waxaa uu soo hadal qaaday wada hadal iyo heshiis ka dambeeyay oo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Galmudug kaasoo ku saabsanaa dagaalka magaalada Gaalkacyo.

“Haddii meel la isugu tago waxyaabo badan ayaa ka dhasha, dabcan fursad ayay inoo ahayd aan isku aragnay Madaxweynaha Galmudug dabadeedna shidadii ka taagnayd Gaalkacyo ayaan ka wada hadalnay, waadna aragteen War-saxaafadeedkii kasoo baxay’’ ayuu yiri C/wali Gaas.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa soo hadal qaaday kooxda Daacish-ta Soomaliya ee la wareegtay degmada Qandal ee Gobolka Bari wuxuuna sheegay in Puntland aysan u dulqaadan doonin in hal maalin xitaa ay daacish ku sugnaato deeganada Maamulka Puntland.

Ugu dambeyntii  Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay Xildhibaan ka tirsan Puntland oo dhowaan soo Bandhigay lacago la sheegay inay Puntland ka qaadatay dowlada Federaalka oo la lunsaday, wuxuu hadalkaas ku tilmaamay mid been abuur ah, isagoo xusay ineysan jirin lacago ay ka heleen dowlada federaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here