Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Kawada Hadlaya Colaada Magaalada Gaalkacyo

0

Madaxweynayaasha Maamulka Puntland iyo Galmudug C/wali maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guulleed oo haatan ku sugan dalka Isutaga imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in halkaas kuwada kulmaan islamarkaana ay kawada hadlaan dagaalka mudda qaatay ee ka socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Labada madaxweyne ayaa magaalada Abu Dubia ee dalka Isutaga imaaraadka Carabta u jooga kulan dowladda imaaraadka Carabta ay soo qaban qaabisay kaasi loo hadlaayo doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka, islamarkaana dowladda imaaraadka ay doonayso in Soomaliya madaxweyne loogu dhigo hogaamiye aan ka hor imaaneenin danaha ay soomaliya ka leedahay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu eedeeyay in uu kasoo horjeedo in xal laga gaaro Colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, islamarkaana uu dhowr jeer oo hore uu hor istaagay wada-hadal dhexmari lahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here