Waxaa garoonka Koonis Stadium ee magaalada muqdisho ku soo dhamaaday tartankii xiisaha badnaa ee Genaral Daa’ud kaasoo in mudo ahba ka socday garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho waxaana kulankii finalka ahaa ee maanta ka soo qeyb galeen kumanaan taageeroyaal ah iyo madax ka tirsan xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo madax ka tirsan dowlada federal ka soomaliya.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad ah iyadoo kooxda Jeenyo ay si dardar ah ku bilaabatay ciyaarta laakin bilowgoowdii ayaa noqday mid fashilmay markii ay kooxda Banadir Sports Club la hormartay goolkii kowaad ee ciyaarta.
Labada dhinac ayaa markii hore iska dhaliyay 1:1 qeybtii dambe ayay sidoo kale Banadir Sports Club waxa dhalisay goolkii labaad sidaas ayaa lagu kala maray, dib markii la iskugu soo laabtay ayay jeenyo dhalisay goolkii barbaraha waxaa dhaliyay xidiga MEEME.
Qaabka Gool kulaadka
1- Daadir cawaale jeenyo (Gool)
2-Iimaan, Banadir Sports Club (goool)
2- Meymaa, Jeenyo (Gool)
2-James, Banadir, badbaadin (Mustafa goalkeeper)
3- Eeney, Jeenyo (goal)
3-mustafa Maxwell, Banadir Sports Club, badbaadin (Mustafa goalkeeper)
4- xasaasi, Jeenyo (goal)










