War Deg Deg:- Al-shabaab oo La Wareegay Gacan ku Heynta Degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool

0

Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa goordhaweyd la wareegay gacan ku heynta degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool xili Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Ethopia ay ka baxeen saakay aroortii.

Boqolaal katirsan Ciidamada Al-shabaab  oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa goordhaweyd gudaha u galay degmada Tiyoglow ee Gobolka Bakool, waxayna durbadiiba ay la wareegeen xarumaha degmada.

Dadkii ku noolaa degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool ayaa xalay ilaa saakay isaga baxay degmadaas cabsi ay ka qabaab in uu dagaal halkaas ka dhaco.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here