Dowladda Ethopia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababaha ay ciidamadeeda kamidka ah howlgalka Amisom ay kala baxayso gudaha dalka Soomaliya.
Wasiirka Warfaafinta dowladda Ethopia Getachew Reda ayaa sheegay in ciidamada aan ka tirsaneyn howl galka AMISOM ee ka socda Itoobiya ay la baxayaan, maadaama in muddo ah ay caawinayeen Ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM.
“Joogitaankeena ayaa ah labo nuuc, 2,000 oo askaru ayaa nooga mid ah howl galka AMISOM, waxaa intaa dheer in dhowr kun oo kale inay caawinayaan AMISOM iyo ciidanka dowladda Federaalka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, askarteena aan ka mid aheyn AMISOM qasab ma ahan inay sii joogaan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Ethopia Getachew Reda.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta dowladda Ethopia Getachew Reda ayaa sheegay in ciidamada Ethopia ee kamidka ah howlgalka AMISOM ay sii joogi doonaan gudaha dalka soomaliya inta ay ka dhameysan doonaan howlaha ay markii hore soomaliya u yimaadeen.
Ciidamada Malatariga dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa todobaadkaan gudihiisa isaga baxay degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan, iyagoo sidoo kale horey ugu baxay deegaano kale oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud.

