Dowladda Jabuuti oo Ka Hadashay Weerarkii Shalay Lagu Qaaday Ciidankeeda ku Sugan Gobolka Hiiraan

0

Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horeysay ka hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray ciidamo jabuutiyaan ah oo saldhig ku lahaa duleedka  Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Safiirka Dowladda Jabuuti ufadhiya Soomaliya, Amb Aden Xassan Aden ayaa shaaca ka qaaday in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay Al-shabaab ku qaadeen xarun ay ciidamada AMISOM ee Jabuuti ku lahaayeen duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan  uusan waxba ka badali doonin howlaha nabad ilaalinta ee ay ciidamada Jabuuti u joogaan gudaha Soomaaliya.

“Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday  xarun ay ciidamada Jabuuti ku la haayeen duleedka Beledweyne  ee Gobolka Hiiraan waxba kama badali doono howlaha nabad ilaalinta ah ee aan ku caawineyno walaalaheen Soomaaliyeed, Anagu marwaliba waxaan diyaar u nahay in aan dhiigeena iyo dhaqaalaheena intaba aan u hurno walaalaheen Soomaaliyeed illaa iyo inta ay isku filnaasho ka gaarayaan” ayuu yiri safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Amb. Aden Xassan Aden.

Weerarkii shalay lagu qaaday Saldhig Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin duleedka  Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab, waxayna tilmaameen in lagu dilay  17-askari oo jabuutiyaan ahaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here