Maamulka Jubba-land ayaa markii ugu horeysay ka hadlay eedeen kaga timid Galmudug oo ku aadaneed in ciidamo ka tirsan kuwa jubba-land in ay ka qeyb qaateen dagaaladii maalmihii dambe ka dhacyay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee maamulkaasi Suldaan C/qaadir Luga Dheere oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug aaney weli ku guuleysan iney damiyaan colaadda Gaalkacyo, islamarkaana maamulka Jubba-land lagu eedeeyo in uu taageero soo siiyay maamulka Puntland.
“Waxaa nasiib darro ah in madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug iney xallin waayaan khilaaf yar oo dhaxdooda ah oo sababay dhimasho, barakac, qalqal siyaasadeed iyo mid amni, waxaan soo jeedineynaa in lagu bedalo wada noolaansho iyo is afgarad, waxaan ognahay in dagaalladii sokeeyey meelihii kasoo billowdeen Gaalkacyo ka mid tahay,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee maamulkaasi Suldaan C/qaadir Luga Dheere.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee maamulkaasi Suldaan C/qaadir Luga Dheere ayaa sheegay in aysan jirin wax ciidan ah oo kasoo baxay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose oo ka qeyb qaaatay dagaaladii Gaalkacyo ka dhacayay.
Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Gaalkacyo Gobolka mudug kusoo bandhigyay 3-askari oo mid kamid ah uu qabo dhawaan culus oo ay sheegeen in ay ahaayeen ciidamo Jubba-land ah oo garab siinayay maamulka Puntland.
Taliyaha qeybta booliska Galmudug ee gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali(Gadaar) ayaa sheegay in askartaan lasoo qabtay iyaga oo dagaal kula jira ciidamada Puntland, waxa uuna tilmaamay in askarta qaarkood laga keenay Kismaayo, Buuhoodle, Laascaanood iyo magalaooyin kale.

