Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya In gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in goordhaweyd lagu weerar saldhig Ciidmada Jabuuti ay ku leeyihiin Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Jugta qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay Xaafadaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaa qaraxa kadib ay ciidamada Jabauuti ay fureen rasaas xoogan.
Lama qasaaraha ka dhashay qaraxa ee soo gaaray Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan.
La Soco Wixii kusoo Kordha Warkaan

