Dabley Hubeysan oo Xalay Weerar ku Qaaday Magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi Bari

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in xalay saqdii dhexe  dabley hubeysan ay weerar xoogan  ku qaadeen meelo kamid ah Magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya dableydaan hubaysan inay weerareen Xaafad ay degan yihiin dad Kenyan ah oo aanan u dhalan Magaalada Mandera, waxaana halkaasi ay ku dileen Afar ruux oo ka mid ahaa dadkii Kenyan-ka ahaa.

Saacada markii ay aheyd 2:20 daqiiqo ee xalay, ayaa mar kaliya jawiga Magaalada oo deganaa, waxaa la maqlay qaraxyo gaaraya Shan qarax oo argagax ku abuuray intii dhawaqa qaraxyada dhagahooda ay gaareen.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Mandera Job Boronjo oo warbaahinta ay la xiriirtay ayaa ka gaabsaday in uu faah-faahin ka bixiyo balse waxa uu xaqiijiyay in weerar uu dhacay abaarihii 2:20 daqiiqo ee xalay.

Weerarkaan ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here