Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Mamaulka Puntland iyo Galmudug in saakay uu ka qarxay Galbeedka Magaaladaas.
Hubka culus ayaa laga maqlayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee is dhaafsanayaan Ciidamada kala taabacsan Maamulka Puntland iyo Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay Magaaladaas.
Dagaaladaan oo daba socda dagaalo soo laalaabtay oo maalmahanba labada dhinac ku dhexmarayay galbeedka magaaladaas ayaa ku soo beegmay xili shacabkii ku noolaa magaalada intooda badan ay ka barakaceen magaalada.
Ugu yaraan 10 askari oo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku dhinteen dagaalkii daraad galab ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halka 30 kalana ay ku dhaawacantay.

