C/wali Gaas:-“Magaalada Gaalkacyo Meesha Lagaga Soo Duulay Waa Xamar, Doorashada ayaa La Doonayaa in Dib  Loo Dhigo”,

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee Gobolka bari ayaa ka hadlay markii ugu horeysay dagaalada ka socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dagaalka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka socda uu yahay dagaal laga soo abaabulay Xamar islamarkaana ay qorshihiisa wadato dowladda dhexe ee  soomaliya ujeedkana uu yahay sidii dib loogu dhigi lahaa doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

“Gaalkacyo waxaa laga wadaa dagaalo, dagaalkaasoo aan aheyn mid laga soo abaabulay cadaado, meeshaa Gaalkacyo lagaga soo duulay waa Xamar, waxa ku soo duulaya oo shidada wadana waa Dawladda Federaalka Soomaaliya”. Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here