Wasiir Hadliye:-“Waa Waxba kama Jiraan in Turky-ga uu Saldhig Malatari ka Furanaayo Gudaha Soomaliya”,

0

Dowladda Soomaliya ayaa  markii ugu horeysay ka hadashay heshiis la sheegay in  ay wada gaareen  dowladdaha  Turkey-ga iyo Soomaliya  oo ku aadan in  Turky-ga uu Saldhig Malatari ka furto Gudaha dalka soomaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane C/salaam hadliye Cumar oo la Hadlay Tv-ga Universal ayaa sheegay in aysan jirin heshiis ay wada gaareen dowladaha Soomaliya iyo Turkey-ga oo ku aadan  in  Turky-ga uu Saldhig Malatari ka Furto gudaha dalka Soomaliya.

Mudane C/salaam hadliye Cumar Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya  ayaa tilmaamay in wararka ku aadan arintaas ay baahiyeen warbaahino islamarkaana aysan jirin heshiis ay wada gaareen dowladda Soomaliya iyo Turkey-ga.

Wargeyska Today Zaman oo dalka Turky-ga kasoo baxa ayaa dhawaan qoray in dowlada turkiga ay ka sameysan  doonto saldhig Malatari  Soomaliya oo ciidanka Xoogga dalka Soomaliya  ay saldhigaasi ku tababaran doonaan.

Emel Tekin, waa haweyneda ah madaxa wasaarada arrimaha dibada dowladda  turkiga waxa ay sheegtay in dalalka soomaaliya iyo turkiga ay kawada shaqeenayaan hor marinta ciidanka Xoogga dalka soomaaliya , dhismaha saldhigaani cusub uu noqon doono wada shaqeenta iskaashiga military ee labada dal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here