Xaawo Salaad Diiriye oo ah gabar 13-jir ah oo aan wali qaan gaarin ayaa rag watay mooto bajaaj waxa ay maqribnimadii xaley ka afduubteen Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaana xaley gabadha ay ka dibatay gurigeeda, ehalka gabadha oo waqti badan baadi goob u galay xaawo ayaa mar qura maanta ka war helay in xaawo ragi afduubtay ay kufsi kula kaceen islamarkaana raga mooto bajaaj-ta watay tira ahaan lagu qiyaasay 5 qofood aan hubeysneen, waxaana Ciidanka saldhiga degmada Yaaqshiid oo falkaan lagu soo wargeliyay ay ku guuleysteen in ay soo qabataan 2 nin oo kamid ahaa ragii kusfiga kula kacay xaaawo.
Salaad diiriye oo ah aabaha dhalay gabadha iyo hooyo canab oo ah hooyada dhashay gabadha ayaa idaacada simba u sheegay in ay xaalad xun wajaheyso gabdhooda.
Salaad diiriye ayaa sharxaya qaabka ay u maqleen dhacdadaan xaawo isagoona tilmaamay in gabadhaan ay aheyd halka gabar ee ifka u joogto balse caruurta kale ee uu heysto ay yihiin Wiilal.
Dhinaca kale hooyo Canab oo ah hooyada dhashay Xaawo Salaad Diiriye ayaa sheegtay in ay ku rajo weyn tahay in cadaalada la mariyo raga gabadheeda dhaawaca kufsiga baday.
Waxaa habeenadii ugu danbeeyay magaalada muqdisho ka dhacayay falal lagu dhibaatooyin ay kala kulmayeen shacabka Muqdisho iyadoona xaafadaha qaar raga ku labisan dareeska ciidanka ay dhac ka geystaan.

