Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Mudane Cali C/laahi Osoble ayaa sheegay in Maamulkiisa uu dadajin doono soo gudbinta xubnaha Musharaxiinta Aqalka Sare iyo aqalka Hoose ee matalaya maamulka Hirshabeelle, isagoo cadeeyay in doorashada ay ka dhici doonto magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka.
“Soomaliya waxaa lagu jiraa waqti doorasho Hir-shabeelle ma noqon doono mid ka hara doorashada, waxaan sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhisin doonaa aana kusoo xuli doonaa xubnaha aqalka sare markaan wada-tashi aan sameeno, sidoo kale waxaan wada-tashi aan ka sameyn doonaa sidii beelaha ay u xulan lahaayeen xubnaha aqalka hoose, howlahaas oo idil waxaa lagu qaban doonaa Magaalada Jowhar”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle.
Hadalkaan ka soo yeeray Madaxweynaha Cusub ee Hir-shabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu sheegay in dowladda Soomaliya ay u diiday in Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan lagu soo xulo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

