Magaalada jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabaallle waxaa maanta ka dhacaya Caleema-saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaas.
Qaban-qaabada Xaflada caleema saarka ayaa si weyn loogu dareemayaa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabaallle, iyadoo si weyn loo adkeeyay amaanka Magaaladaas Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya ayaa lagu arkayaan Wadooyinka.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa sheegay inay socoto qaban qaabada xaflada caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaas , ayna rajeynayaan inay ka soo qeyb galaan Madaxweynaha dowladda Federaalka, Madaxda qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo mas’uuliyiin kale.
Dhanka kale Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa lagu wadaa inuu saakay dib ugu laabto magaalada Jowhar, isagoo magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan u joogay Labadii maalin aynu soo dhaafnay qancinta Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kasoo horjeeda maamulka Cusub.
Waxaa lagu wadaa in madax dhaqameedyada ugu caansan Koofurta Soomaaliya ay ka qeyb galaan caleema saarka xaflada Magaalada Jowhar ka dhacaysa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in caleema saarka uu ka soo qeyb galo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo wali si adag u diidan maamulka cusub ee Hirshabeelle.

