Maamulka galmudug ayaa ku eedeyay maamulka puntland in uusan diyaar u aheyn in laga heshiiyo dagaaladi dhawaan ka dhacay magaalada gaallkacyo ee gobolka mudug.
Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda maamulka galmudug oo kamid ah gudi uu dhawaan madaxweynaha galmudug u magacaabay xal ka gaarida dagaalki gaalkacyo ayaa sheegay in puntladn ay dooneyso in qaab aan nabd ku dhalan Karin ku xaliso dagaalki gaalkacyo.
Wasiirka ayaa waxa uu tilmaamay in ay jireen kulamo ay la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan puntladn balse isfahamwaa kulamdaasi ay ku soo idlaadeen.
Wasiirka ayaa sheegay in galmudug weli diyaar ay u tahay xalka lagu raadinayo gaalkacyo nabad in ay ka dhalato.
Wasiirka ayaa ku eedeyay puntladn in ay dooneyso in dadka ay u kala saarto qaab qabiil arintana lagu xaliyo hab qabiil arintaas oo ay galmudug dhinaca kale diidan tahay

