Dhageyso:- Faafaahino ka Soo Baxaya Dagaalki Gaalkacyo

0

Waxaa faafahino dheeraad ay ka soo baxayaan dagaalo xoogan oo maanta magaalada gaalkacyo ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan maamulada galmudug iyo puntland.

Wakiil wareedka idaacada simba ee  magaalada gaalkacyo Fardowso maxamuud sahal ayaa ku soo warameyso in dagaalka maanta ay babar socdeen madaafiic xoogan oo ciidamada maamulada galmudug iyo puntladn ay isku weydaasanayeen bartamaha magaalada iyadoona madaafiicda ay ku dhacayeen xaafadaha waqooyi iyo kuwa koonfureed ee magaalada gaalkacyo.

Dad qaba Dhaawacyo kala duwan ayaa la gaarsiisayay isbitaalada waqooyiga iyo koonfurta magaalada gaalkacyo waxana dad ay u badnaayeen shac inkastoo ay jiraan ciidamadi dagaalamayay waxyeelo soo gaartay.

Lama ogo qasaaraha dhimashada ee ka dhashtay dagaali maanta ka dhacay magaalad gaalkacyo ee goolka mudug

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here