Madaxweynaha Galmudug“Hir-Shabeelle Ayaan ku Matali Jiray Shirarka Madasha Laakin Hada Waajibkaa Waa Iga Dhacay”+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xussen Guulled oo ka qeybgalay Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeen Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Madaxweynaha Cusub Maamulka Hir-Shabeelle waxa uu kula Dar-daarmay in uu dardar-gali Horumarinta Gobalada Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe islamarkaana uu u horseedo Isbadal Dhinacyada Dhaqaalaha,Siyaasada,Amniga iyo Dib u Heshiisiinta Beelaha Daga Gobaladaas.

“Shirarka Madasha Wadatashiga Qaranka iyo Madalaha kale ee looga Hadlaayay aayaha Dalka Aniga ayaa Hir-Shabeelle ku Matali jiray oo kursigooda ku Fadhin jirey Xaquuqdoodana u Doodi jira Laakiin Waajibkaasi waa iga Dhacay Madaxweyne  Cali C/laahi Cosoble ayaa maanta laga Bilaabo Howshaas looga Baahan yahay” ayuu yiri Madaxweyne Guulleed

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu Danbeentii Sheegay in Tilaabada Xigta Dhismaha Maamulka Hir-shabeelle ay Noqon doonto Cadeynta Maqaam ka Gaar ka ah Caasimada Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here