Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ka qeyb galay doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa ugu Hambalyeeyay Baarlamanka Maamulkaas sida ay u doorteen Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen.
Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federeaalka Soomaliya ayaa ugu baaqay Madaxweyne Cali C/laahi Osoble, ku-xigeenkiisa Cali C/laahi Xuseen( Guudlaawe) iyo baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle in ay soo dadajiyaan soo magacaabista Xubnaha aqalka sare ee dalka inta aan la gaarin xiliga doorashada.
“Waxaad Fursad u haysataan Madaxweyne adiga Madaxweyne ku-xigeenkaaga, iyo Baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle in si deg deg ah usoo magacawdaan xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deeganada Maamuulka Hir-shabeelle, maamulada qaar wali ma aysan soo gudbinin xubnaha aqalka sare, waxaan idin xasuusinaynaa in aad dhowrtaan Qoondada Haweenka ay ku leeyihiin Xubnaha aqalka sare”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in maalinta khamiista la caleemo saari doono Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble intaas ka horna maamulka loogu baahan yahay in ay ku dhaqaaqaan howlihii ay balan qaadeen.

