Maamul Goboleedka Jubba-land ayaa digniino ujeediyay hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ee ka howlgala deeganada maamulkaas.
Madaxweyne ku xigeenka dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed Lugadheere oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ee Caasimada Kmg-ga ee Maamulkaas ayaa ugu digay hay’adaha hoostaga qaramada Midoobay in deeganadaas ay ka fuliyaan Mashaariic aysan la socon Wasaaradaha ay khuseyso.
Amarkaan ayuu bixiyay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubba-land ka dib markii uu soo dhamaaday kulan ay wada yeeshen Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay iyo Maamulka Jubbaland.

